Caqabad soo wajahday shirkii uu Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad goboleedyada

Dowlad goboleedka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa shaaciyey ineysan ka qeyb galaynin shirka uu madaxda dowlad goboleedyada isugu yeeray madaxweynaha Somalia 18ka bishan.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka Wasiirka  Qorsheynta ee Maamulka Jubbaland Aadan Aw Xirse ayaa si kooban ugu hadlay Shirka golaha Amniga Qaranka ee uu dhawaan iclaamiyay Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Aadan Aw-Xirse ayaa sheegay inaysan Jubballand ka qeyb gali doonin shirka golaha amniga ee bishan dhexdeeda ka furmaya Magaalada Muqdisho, isla markaana lagu casuumay dhamaan madaxda Maamul gobaleedyada.

Dhinaca kale, Wasiir Aadan Aw-Xirsi ayaa wareysi uu siiyey idaacad ku taalla Muqdisho ku sheegay in dhamaan xubnaha Dowlad Goboleedyada aysan ka qeybgeleyn shirkaas.

Waxaa uu sheegay in Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ay isaga u xilsaareen inuu u hadlo sidaasna ku diideen ka qeybgalka shirka.

Waxa uu arrin aan sax ahayn  ku sheegay in iyaga dhan Xamar looga yeero sidaasna ku tagaan, waxaana uu xusay inay aragtidooda qaateen isla markaana Madaxda dhexe ay marka hore tahay iney garowsato walaacooda.

Madaxda dowlad goboleedyada kale ayaaney illaa hadda ka soo bixin wax war ah oo ku saabsan arrintan.

Talaabadan ayaa caqabad ku noqoneysa dedaalkii uu Madaxweyne Farmaajo ku doonayey inuu ku qanciyo madaxda dowlad goboleedyada dalka oo eedeymo culus u jeediyey dowlada dhexe ka don shir ugu dhamaaday magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -