Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Askari diiday in uu qaato lacag laaluush ah oo la abaal mariyay (Daawo Sawirada)

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa shahaado sharaf iyo abaal marino kalaba siiyay askari katirsanaa ciidanka booliiska dalkaas oo la sheegay in uu diiday laaluush la doonayay in la siiyo.

Siraaji Cabdalla oo ka tirsan ciidamada booliska ee maamulka Canfarta ee dalka Itoobiya ayaa iska diiday in uu qaato lacag laaluush ah xili la doonayay goob uu ku sugnaa laga gudbiyo hub sharci daro ah.

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaa ku tilmaamay askarigan nin geesi ah oo iska diiday inuu qaato laaluush si dalka loo soo geliyo hubka sharci darrada ah, waxa uuna ku bogaadiyay talaabada wadaniyada ku dheehan tahay uu qaatay askarigaasi.

Abiy Axmed oo askarigan siiyay shahaado sharaf iyo abaal marino kale uu ku farxo ayaa sheegay in Siraaji tallaabada uu ku dhaqaaqay tahay mid ku dayasho mudan kuna difaacay shacabka dalkiisa.

Gobolka Canfarta dalka Itoobiya uu ka howlgalo askarigan la abaal mariyay ayaa kuyaala xadka Itoobiya la wadaagto Jabuuti, waxaana halkaasi la sheegay in marin u tahay kala gudbinta hubka sharci darada ah iyo badeecooyin kalaba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye ka tirsan Heyadda Nabad Sugida Qaranka oo xabsiga loo taxaabay

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Garawe iyo sida hadda xaalku yahay

Cabdi Cade

Trump oo si aan ku tala gal aheyn usoo bandhigay Warqad sir u aheyd (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---