Maxay tahay sababta Cabdalla Cabdalla muddo kooban loogu xayiray garoonka Aadan cadde?

Taliye ku-xigeenkii hore ee Nabadsugida Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa saaka muddo saacado ah lagu xayiray garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Cabdalla Cabdalla oo doonayey inuu dalka ka dhoofo ayaa xanibay ka dib markii saraakiisha laanta socdaalka ay ka reebeen baasaboor diblomaasi ah oo uu watay.

Muranka u dhexeeya labada dhinac ayaa socday muddo saacad ka badan iyadoo saraakiisha laanta socdaalku ay u sheegeen Cabdalla Cabdalla inuu dib uga laabto safarka dibeda ah balse waa ka madax adeygay.

Masuuliyiin ka tirsan dowlada iyo saraakiil ayaa soo fara geliyey muranka, waxaana markii dambe Caballa loo ogolaaday inuu dhoofo isagoo baasaboor dal kale oo uu la soo baxay.

Taliye ku-xigeenkii hore ee Nabadsugida Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa dhowaan xilka laga qaaday waxaana laga xayuubiyey darakada ciidanka ka dib markii wareysi uu siiyey idaacada VOA uu kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan howlaha sirdoonka Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -