Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Khayre oo furay shir looga hadlayo ganacsiga & Maalgeshiga Somalia (Daawo Sawirro)

Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka furmay Shir looga hadlayo Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya

waxaa shirkan soo qabagaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyadoo ay ka qeyb galayaan Wasiiro ka tirsan xukuumadda, ganacsato iyo wakiilo caalami ah, waxaana shirka furay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Waxaa shirka ka dhex muuqday Ganacsatada waaweyn ee dalka iyo xubno ka socda beesha caalamka, iyadoo wasiirka ganacsiga dowladda Somalia uu sheegay in shirka uu labo maalmood socon doono, lagana soo saari doono qodobo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee u dhaqan galay Amarkii Maamulka G/Banaadir ee lagu xiray goobaha lagu caweeyo?

Caydiid Ali

Shir Qaran oo nuuciisu cusub yahay oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Maamul goboleed oo taageeray Metelaada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---