Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo saakay daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland sanadka 2023, oo ay sanadka u fariisteen 22,626 Arday oo isugu jira Dugsiyada Dhexe iyo Sarre ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay ardayda Puntland in Alle u fududeeyo Imtixaanka, wuxuu xusay in Shaqooyinka dowliga ah iyo Adeega Bulsho uu si wanaagsan u socdo.

“Waxaan idiin rajeynayaa in Alle idinku guuleeyo Imtixaanka, dadaal ayaa la idiinka baahanyahay, muhiimad gaar ah ayeenu siinay Arrimaha Bulshada Hada waxaa inoo soo dhammaaday Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka 30 degmo, inta dhimana waa rajeyn inay qabsoomto”

Madaxweyne Deni ayaa ugu danbeyn gacantiisa ugu qeybiyey Ardayda Imtixaanka Shahaadiga ah, isagoo Wiilasha iyo Gabdhaha imtixaanka u fariistay u rajeeyay in alle u fududeeyo.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Related posts

Jen. Biixi oo ka hadlay muhiimada ay Al-Shabaab u laheyd degaanka Budbud

Caydiid Ali

Imaaraadka oo ogolaaday in Garoonka Berbera ay adeegsan karaan Diyaaradaha Rayidka

Cabdi Cade

Guri kuyaalla magaalada Muqdisho oo dumay iyo khasaro dhimasho oo ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---