Allbanaadir.com
NEWS

Deegaanno Al Shabaab ku sugnaayeen oo howlgal laga fuliyay (Daawo Sawirada)

Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka  maamulka Jubbaland iyo Ururka 5-aad ee ciidanka kumaandooska ee Danab  ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay degaanno Al Shabaab kaga sugnaayeen duleedka magaalada Kismaayo.

Ciidamada huwanta ah ayaa howlgal ka sameeyay deegaannada Kaamjaroon, Yaaq Xalul, Kaliil, Buriyow, Buulo Xaaji iyo Yaaq-bishaaro oo dhammaantood ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Sida aan wararka ku helnay deegaannadan ciidamada tageen qaarkood waxaa ku sugnaa dagaalyahanno katirsanaa Al Shabaab ,kuwaa oo goobta isaga cararay kaddib markii ay heleen xogta ciidamada deegaannadaasi kusoo wajahnaa.

Ciidamada nabad sugida Jubbaland iyo kuwa Danab ayaana bur buriyay fariisimihii Al Shabaab ku lahaayeen deegaannada ay tageen, waxa ayna ciidamada shacabka uga digeen in ay la shaqeeyaan kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Bogaadiyay guul ay gaareen Ciidanka Xooga dalka

Cabdi Cade

Xilliga ay dib u bilaabanayaan kulamada Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Cabdi Cade

RW Hore oo ka waramay guusha laga gaaray dagaalka Al-shabaab, kuna baaqay ha arrin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---