Imaaraadka oo ogolaaday in Garoonka Berbera ay adeegsan karaan Diyaaradaha Rayidka

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa dib u dhis kuwada garoonka Diyaaradaha magaalada Berbera ay qorsheeneyso in ay ka dhigato saldhig Milatari, waxaana Imaaraadka garoonkaasi iyo dhulka ku xeeran ku wareejiyay maamulka Somaliland.

Garoonka Diyaaradaha Berbera ayaa horey loo sheegay in aysan adeegsan doonin diyaaradaha rayidka iyo kuwa ganacsiga, waxaana garoonkaasi la tilmaamay in kaliya Imaaraadku adeegsan doono.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon), oo kamid ahaa Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland oo Imaaraadka tagay ayaa sheegay in Dowlada Imaaraadka aqbashay in garoonka Berbera adeegsan karaan Diyaaradaha Rayidka

Waxa uu xusay Wasiirka in ay Masuuliyiinta Imaaraadka Carabta isla garteen in garoonka Berbera ee ay dib-u-dhiska ku waddo dawladda Imaaraadku ay diyaaradaha rayidka iyo kuwa ganacsiguba isticmaali doonaan.

“Arrimaha kale ee muhiimka ah ee dhinaca dhaqaalaha la xidhiidha ee laga wada-hadlay waxa kamid ahaa madaarkii Berbera ee aad maqlayseen inuu markii hore kamid ahaa saldhigga ay halkaas Imaaraadku ka samaysanayaan, waxa la isla gartay inuu madaarkaasi noqdo mid diyaaradaha rayidka ah iyo kuwa ganacsiguba ku degi karaan oo ka shaqaysan karaan oo aan ku koobnaan doonin madaar militeri.” ayuu yiri Faratoon.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa qorsheeneysa in garoonka Diyaaradaha magaalada Berbera ka dhigato saldhig weyn oo Milatari, waxaa ayna Imaaraadka arintaasi kala heshiisay maamulka Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -