Allbanaadir.com
NEWS

Guri kuyaalla magaalada Muqdisho oo dumay iyo khasaro dhimasho oo ka dhashay

Guri qadiimi ah oo kuyaalla degmada Shangaani ee gobolka Banaadir ayaa xalay kusoo dumay dadkii deganaa, waxaana gurigan dumay ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in gurigan mar qura dumay xilli ay hurdayeen qoysaskii deganaa, waxaana si deg deg ah ugu gurmaday dadka dariska la ahaa iyo sidoo kal maamulka degmada .

Inta la xaqiijiyay afar wiil oo isku xigtay oo walaalo  ah ayaa ku geeriyootay gurigan soo dumay, waxaa sidoo kale jira dad kale oo khasaaro dhaawacyo ah soo gaareen ,kuwaa oo loola cararay xarumo caafimaad oo kuyaalla Muqdisho.

Marar badan ayaa sidoo kale oo waxaa usoo dumay oo khasaaro uu gaarsiiyay dadkii deganaa guryo qadiimo ah oo sannado badan kahor la dhisay oo kuyaalla degmooyinka Xamar Weyne, Shangaani iyo Boondheere.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wafdi gaaray Dhuuso Mareeb iyo Ra’isul Wasaare Kheyre oo la kulmay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Daawo: Shiikh ka tirsan Villa Somalia oo ka qeyliyey dhibaato loo geystay eheladiisa & Warar kale

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasab Sheekh oo la kulmay Waalidiin Carruurtooda Eritrea loo qaaday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---