Ciidamada Isra’iil oo toogasho ku dilay ilmo 2 sano jir ah, aabihisna dhaawacay (Sawirro)

Wiil 3 sano jir ah oo Falastiini ah oo ay ciidamada Israa’iil ku toogteen dhulka la haysto ee Daanta Galbeed todobaadkii hore ayaa u dhintay dhaawacii soo gaaray, sida ay sheegeen saraakiisha isbitaalka Israel Isniintii.

Mohammed al-Tamimi ayaa madaxa laga toogtay khamiistii lasoo dhaafay meel u dhow tuulada uu ku nool yahay ee Nebi Saleh xili uu la socday gaari aabihiis.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay rasaas fureen xilli ay ku raad joogeen labo nin oo hubeysan.

Ilmaha yar ayaa waxaa qaaday diyaarad helikobter ah oo ay leeyihiin ciidamada Israel, waxaana la geeyey isbitaal ku yaala Israel, balse kama soo kabsan dhaawicii soo gaaray.

Bayaan ay soo saareen militariga Israa’iil ayey ku sheegeen in ay ka xun yihiin waxyeelada ay u geysteen waxa ay ugu yeereen kuwa aan dagaalka qaybta ka ahayn.

Laakin aabaha dhalay wiilkan oo lagu magacaabo Haitham al-Tamimi ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Associated Press in uu wiilkiisa ku xiray gaariga si ay u soo booqdaan adeer markii ay xabadu haleeshay.

Aabaha ayaa sidoo kale ku dhaawacmay toogashadaas waxaana lagu daweynayaa isbitaal Falastiini ah.

Ciidamada Israel ayaa furay baaritaan la xiriira dhacdadan. Kooxaha xuquuqda, si kastaba ha ahaatee, ayaa sheegaya in baaritaanada noocan oo kale ah ay dhif tahay in lagu soo oogo dacwad ama tallaabo anshaxeed oo ka dhan ah askarta.

Ku dhawaad 120 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay labada aag sanadkan, ku dhawaad kala bar waxay ka tirsan yihiin kooxaha hubeysan, sida lagu sheegay tirakoob ay sameysay AP. Ciidamada ayaa sheegay in tirada dagaalyahanada ay aad uga badan yihiin. Balse waxaa sidoo kale la dilay dhalinyaro dhagax-tuur ah iyo dad aan ku lug lahayn rabshadaha.

Dhanka kale, weerarrada Falastiiniyiinta ee lagu bartilmaameedsanayo dadka Israa’iiliyiinta ee deegaannadaas ayaa lagu dilay ugu yaraan 21 qof.

Israa’iil waxay qabsatay Daanta Galbeed iyo bariga Quddus, oo ay weheliso Marinka Qaza, dagaalkii Mideast 1967. Falastiiniyiintu waxay dhulalkan u raadiyaan dawlad mustaqbalka ah.

Ilaa 700,000 oo Israa’iiliyiin ah ayaa hadda ku nool deegaanno ku yaalla Daanta Galbeed iyo bariga Quddus. Inta badan beesha caalamka ayaa u aragta degsiimooyinkaas sharci darro ama caqabad ku ah nabadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -