Kismaayo: Dhiiga Qubanaya Qareen iyo Qaran Ma Leeyahay !! ?

Tan iyo intii la guddogalay hawlaha doorashooyinka Jubbaland nabaddoonkii saddexaad ayaa weerar loogu gaystay gudaha magaalada Kismaayo.

Haddaba, su’aasha mudan iswydiinta ayaa ah maxaa loo beegsanayaa nabaddoonnadan? Si aynu taas u fahamno waxaan dul-istaagaynaa saamaynta iyo doorka nabaddoonada bulshada dhexdeeda ku leeyihiin.

Waxii ka dambeeyay shirkii Carta, marjaca siyaasadda waxuu ahaa dustuurka ku meel-gaar ah iyo odayaasha dhaqanka oo soo xusha xubnaha Wakiillada Shacabka. Tani waxay horseedday in odayaasha dhaqanka helaan fursad ay qayb kaga noqdaan siyaasadda dalka.

Odayaasha dhaqanka waxay yeesheen labo cadow oo kala ah: (1) Kooxda Al-shabaab oo u arkay inay gacan siinayaan siyaasadda dib u dhiska dowladnimada; iyo (2) Dagaal oogayaashii abuurmay muddadii burburka, una xuubsiibtay siyaasiyiin, kuwaasoo bartay inaan talada lala wadaagin.

Kooxda Al-shabaab falalka dilka ay u gaystaan odayaasha dhaqanka, ma qariyaan oo weyba ku faanaan. Islamarkaas odayaasha dhaqanka ee qaybta ka ah hannaanka dalka dowladda loogu dhisayo yihiin kuwo diinta ka baxay! Waana afkaar gaar ku ah kooxda Al-shabaab.

Balse, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waa siyaasigii ugu horreeyey ee hannaanka federaalaynta dalka qayb ka ah oo ku dhiirada in odayaasha dhaqanka doorkooda ku lug yeelashada siyaasadda hoos loo dhigo. Mar uu ka hadlayey munaasabadda salaaddii ciid ee magaalada Kismaayo ayuu yiri “Odayaasha waa laga qaaday CULAYSKA” (YouTube August 11, 2019). Halka odayaasha dhaqanka aaminsan yihiin, inaan laga maarmin ilaa iyo intii dalka laga hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah.

Indheergarad badan waxaa u muuqday, in doorashadii lagu murmay saxnaanteeda ay horseedi karto deggenaansho la’aan siyaasadeed iyo mid amni. Qareen, nabaddoon Axmed Jaamac Qalyar dhaawaca loogu geystay magaalada gudaheeda xilli fiid ah, ayaa sare u qaaday cabsida iyo walaaca ay qabaan shacabka ku dhaqan Kismaayo.

Sidoo kale, waxaa horey Kismaayo loogu dilay labo nabaddoon kuwaas oo kala ah, nabaddoon Cabdiqaadir Ibraahim Jeeri oo la dilay June 17, 2019, iyo Cabdirashiid Suldaan Muuse Shire (Suldaan Dure), oo isna la dilay July 31, 2019.

Dilka labadan nabaddoon, iyo dhaawaca nabaddoon Axmed Jaamac waxaa jira afar astaamo ay wadaagaan: (1) Saddexda nabaddoon waxay diiddanaayeen hanaanka doorasho ee Axmed Madoobe doonayay; (2) Weerarka seddaxda nabaddoon ma aysan sheegan kooxda Al-shabaab; (3) Dhammaan toogashada loo gaystay nabaddoonadda waxay dhacday xilli fiid ah; iyo (4) Ilaa iyo hadda ma jirto cid loo qabtay falalkaas amase maxkamad ka soo hor muuqday.

Dhanka kale, dowladda dhexe waxay qaadday saddax tallaabo ay cadaadis ku saarayso Axmed Madoobe iyo kooxdiisa, kuwaas oo kala ah: (1) Waxay diidday ansixinta natiijada doorashada aan habraaca rasmiga ah raacin; (2) Dhammaan diyaaradaha taga ama ka duula garoonka Kismaayo waxay ku amartay inay ku hakadaan garoonka Muqdisho, si loo baaro; iyo (3) Waxay xirtay Wasiirka Amniga Jubbaland Mudane Cabdirashiid Janan oo ku eedeysnaa xadgudubyo xuquuqda aadanaha.

Tallaabooyinkaas, waxay cadho ku abuurtay Mudane Axmed Madoobe. Shir jaraa’id uu qabtay, waxuu uga hadlay arrimo badan oo taabanaya siyaasadda iyo amniga. Isagoo u duurxullaya siyaasiyiinta ka fikir duwan ee ku sugan gudaha Jubbaland, islamarkaasna qaarkood sheegteen in loo doortay madaxweyne ayuu yiri “Jubbaland kama jiri karaan madaxwaynayaal iyo dowlado iyo cid kale oo wax sheeganaysa.”

Malin ka dib shirkii jaraa’id ee Axmed Madoobe, waxaa hadal jeedin sameeyey  xubno ka tirsan Golaha Badbaadada Jubbaland. Golahaas oo ay dhiseen mucaaradka Axmed Madoobe, waxay qodob qodob u dul istaageeyn khudbadiisii, ayagoo ku eedayay maamulka Axmed Madoobe intuu jiray maamul xumi, caddaalad darro, eex, iyo qaraabakiil.

Isla maalintii ay shirka jaraa’id qabteen Golaha Badbaadada Jubbaland ayaa fiidkeediiba dabley hubaysan xabbado la dhaceen, guddoomiyihii guddigaas nabaddoon Axmed Jaamac Qalyar.

Dhanka kale, ilo xog o’gaal ah waxay xaqiijinayaan in Cabdinaasir Seeraar Maax iyo Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig, oo qudhooda isu duubay madaxtooyada Jubbaland ayaa gudaha Kismaayo ka wada hub iyo ciidan urursi, ka dib markii ay baqdin gelisay hanjabaaddii ka soo yeertay Axmed Madoobe iyo isku daygii dil ee Axmed Jaamac Qalyar loo geystay.

Inkastoo ay jiraan, muwaaddiniin wanaagdoon ah oo wada dadaal ay ku qancinayaan inuu qabto doorasho ku celis ah, raalligelin karta dhinacyada oo dhan, haddana weli ma jirto natiijo ka soo baxday oo tii hore ka duwan. Waxaa la tuhunsan yahay inuu jiro culays ka hayta Axmed Madoobe dhanka dowladda Kenya, taas oo hortaagan inuu wax ka beddello go’aankiisa ogolaasho la’aantooda.

Dhanka kale, waxaa cadaadiska ku sii kordhaya dadka shacabka ilaa iyo inta la helayo doorasho hanaankeeda la wada oggol yahay. “Waxaa jira, dad fikirkooda loo xiray iyo kuwo si bareer ah loogu hanjabay oo aysan warbaahintu tebin,” sidaas waxaa yiri oday Axmed oo ku sugan gudaha Kismaayo oo sababo amnigiisa darteed u qarinay magaciisa runta ah.

Geesta kale, Mudane Axmed Madoobe ayaa ku gooddiyay inuu qaadayo tallaabo uusan qeexin waxay tahay, haddii aysan aqoonsan dowladda Soomaaliyeed dib u doorashaddiisa.

Falanqeyaasha siyaasadda gobolka, waxay rumaysan yihiin inay shallow iska tuurayaan kooxda Axmed Madoobe. “Waxaa laga yaabbaa inay ku dhawaaqaan goosasho, balse taas ma’aha mid ka turjumeysa xaqiiqda dhulka taal” sidaas waxaa yiri Cigaal Yare oo ka faallooda siyaasadda gobolka.

Haddaba su’aasha taagan ayaa ah goormay af-sallax ku dhaggaan iyo dhiigga qubanaya joogsan doonaan?! Axmed Madoobese xal ma la iman doonaa inta arrintiisu tegin Maxkamada Dembiyada Caalamiga (International Criminal Court – ICC) ee qaadda dacwooyinka xadgudubka bini’aadanka!

W/Q Saciid Cabdisalaam

- Advertisement -