Saciid Ciise: “Kordhinta muddo xileed & muddo kororsi waa laba xaaladood oo kala duwan”

Muddo kororsigu wuxuu imanayaa marka uu soo dhamaado mudo xileedka qof masuula oo xilka ku yimid tartan doorasho, markaas kadibna isagoo cuskanaya sababa jira awgeed uu mudada xilhayntiisa ku darsado wakhti kooban oo dheeraada, taas oo ah mid la aqbali karo oo keliya marka ay timaado in caqabado farsamo awgeed ay u dhacdo kadib marka timaado dibudhac keenta in bilooyin dheeriya ay qaadato geedi socodka loogu jiro hawlaha wax looga qabanayo xiliga kala guurka ama ay dhacdo in masiibooyin culus ay dhacaan dhamaadka mudo xileedka masuulka.

Wakhti kororsiga waxaa ka duwan in mudo kordhin cayiman loo qabto xilalka ay hayaan masuuliyiinta oo u baahan in wakhtiga xilhayntooda la dheereeyo si meesha looga saaro gaabiska mar kasta ku yimaada dhameystirid la’aanta lagu fulin lahaa qorshaha siyaasadeed ee madaxdu ay ku soo galaan doorashada, waxeyna taas ka turjumeysaa in dastuurka lagu qeexo taariikhda saxda ah ee la qabanayo doorashooyinka loogu tartamayo xilalka dowladda, kuwaas oo ay ka mid yihiin doorashooyinka golaha deegaanka, gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo gobolada, goleyaasha baarlamaanka maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda dhexe, iyo kan madaxweynaha.

Mudeynta lagu xadidayo sanooyinka ay xilka haayn karaan masuuliyiinta tartanka doorasho u soo galay qabashada xaafiisyada dowlada waxey u baahan tahay in si cad dastuurka loogu qeexo in sanooyin ku filan xil gudashadooda la siiyo, waxeyna sidaas in la sameeyo ay xijaab adag u tahay iney soo afxirto dib u soo noqnoqoshada damaca ay madaxdu ku doonayaan mudo kororsi iney ku sameystaan xilalka ay hayaan, iyagoo qiil uga dhiganaya wakhtiga oo ku yar iyo jiritaanka daldaloolo ay ka dhex helaan dastuurka oo aan si buuxda heshiis loogu wada ahayn, waxeyna taas hadda lagama maarmaan ka dhigeysaa in bilowga mudo xileedka madaxweynaha hadda xilka haya uu soo bandhigo in heshiis wadajira laga gaaro ciladbixinta caqabadaan ku soo noqnoqotay hogaaminta dalka.

Xildhibaanada, sanatarada, madaxweynaha, madaxda maamul goboleedyada, iyo dhamaan xilalka lagu qabto tartanka doorashada ma ahan kuwo leh tiro u go’an inta jeer oo uu dastuurku ogolaan karo iney xilalka u tartami karaan, taas oo ka dhigan inuusan jiran xeer xadidaya inta jeer oo masuulku uu xilka u tartami karo, waxeyna taas ay masuuliyiinta siineysaa iney inta jeer oo ay rabaan ay hal xil oo keliya ay u tartami karaan intay doonaan iyo intay nool yihiin iney ku soo noqnoqon karaan shardi la’aan, haddii uusan inuu wadku dhaafin mudo xileedkiisa sida is daba xigxigta uu u qaban karo, waxeyna taas ay fursado badan seejineysaa waxgarad badan oo qabashada xilalkaas isku bedeli lahaa.

Dastuurka waxaa laga soo curiyey dalka dibediisa, waxaana lagu hirgeliyey qabyo qoraalkiisa si aan sax ahayn oo ay ku jirtey faragelin shisheeye iyo daneysi sokeeye, waxaana la wada og yahay in ergooyinka qabyadiisa ansixineysey ay ahaayeen kuwo aan si saxa u waafaqsanayn metelaada dadka, maxaa yeelay madaxdii sare ee dowladda ku meel gaarka ahayd ee wakhtigaas jirtey ayaa si jacbura dad jooga suuqyada uga soo aruuriyey, iyadoo mariin habaabintaas ujeedadeedu ahayd sidii kontonka milyan ee meelmarintiisa ay Qaramada Midoobey ku bixineysey loo calfan lahaa, balse ay siyaasiyiintu si wadajira ay ciladahaas jirey indhaha uga daboosheen si taas bedelkeeda ay u horseedaan in laga baxo ku meel gaarnimada.

Wixii ka dambeyey ansixinta dastuurka qabyo qoraalka ah waxey dowladdu ka bixiweysey jahwareer siyaasadeed oo ay ka faa’ideystaan madaxda xilalka dowladda haya oo marna iska tuura tixgelintiisa marna ugu adeegsada sida ay rabaan, waxeyna taas keentay in madaxdii dowladahii xilalka isaga kala dambeeyey ay awoodi waayaan turxaan bixinta lagu qabyo tirayo dastuurka, waxeyna noqotay sababta ugu weyn oo keentay in sidaas lagu sii socdo sanooyin badan kadib markii ay diideen wax ka bedelkiisa dadkii soo sameystay oo ay sidaas ku doonayeen in sidiisa lagu aqbalo oo afti dadweyne sidiisa loogu gudbiyo, hasayeeshee ay dadka intiisa badan ay ka biyo diidanaayeen in la meelmariyo dastuur u xaglinaya danaha hal maamul goboleed.

Waxaa guuldareystay dadaalo badan oo wakhti badan lagu geliyey in dastuurka lagu cilad bixiyo oo laga saaro danaha gaar ahaneed ee maamul goboleedka soo sameeystay uu ka dhex buuxsadey iyo weliba kuwa kale oo ay kaabayaasha ugu ahaayeen danaha shisheeye oo labadooduba hirgelinta dastuurka ay ku noqdeen caqabado dhuungala oo si fudud looga gudbi waayey, dhibaatana ku noqotay sidii ay u suurtogeli lahayd in laga dhigo dastuurka mid heshiis qarana oo waafaqsan wanaaga maslaxada guud ee ummadda, waxaase hadda taagan nasiibdaro ka dhalatay kadib marka la soo bandhigay hindiso wax looga qabanayo ciladaha ugu waaweyn ee ku gadaaman dastuurka oo u baahan in talo wadajira xal u helidooda heshiis la isku raacsan yahay looga wada gaaro ayaa waxaa taas bedelkeed si filanwaaya u soo ifbaxday in siyaasiyiin u badan xildhibaano meeshii ay ama ka raaci lahayeen hindisaha ama ay si wadajir-ogola ay talooyin ugu kabi lahayeen ayey waxey hindisihii kala horyimaadeen diidmo qaawan oo wax ka bedelkeeda iyo wax kudardeedaba diidan.

Xildhibaanadu waxey hilmaansan yihiin in caalamka intiisa badan uu mudo xileedka xildhibaanku yahay 2 sano oo keliya, taasna loo sameeyey si ay shacabka u helaan fursado ay isaga bedeli karaan xildhibaanada aysan ku qanacsaneyn, balse habraacaas caalamiga ah ma aysan tixraacin Soomaaliya oo wajaheysa duruufo adag, waxaana sidaas loo yeelay in xildhibaanada la siiyo wakhti ku filan oo ay fursado dheeriya ugu helaan dibudejinta sharciyada dalka oo dhamaantood burbursan, una baahan turxaan bixin xoogan, sidas daradeedna ay maangal noqotay in mudo xileedkooda looga dhigay 4 sano, waxaana sidaas si la mida iyagana looga baahan yahay iney si maangala ay u xeeriyaan mudo xileedyada kale ee xaafiisyada dowladda.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud iyo Raisulwasaare Hamza Abdi Barre waxey ku saxan yihiin iney ka shaqeeyaan dhameystirka dastuurka oo ay heshiis cad oo aan dib ugu noqosho lahayn ay ka gaaraan sanooyinka uu ka kooban yahay mudo xileedka madaxda dowladda iyo inta jeer oo ay xilalka u tartami karaan, maxaa yeelay waxaa talo iyo tusmo noogu filan in Soomaaliya ay soo martay madaxweyne mudoxileedkiisu ahaay 3 sano, iyo mid hayey 4 sano iyo mid kale oo hayey 7 sano, sidaas daradeedna ay tahay wax xaq ah in heshiis lagu mideysan yahay laga wada gaaro mudo xileedyada loogu tartamayo xaafiisyada dowladda, tilaabadaas la qaadayna ay muhiim u tahay in laga dhaqaaqo meesha la joogo oo sii joogisteeda ay ka dhalaneyso halisa badan oo horumar la’aan meel cidlo ah ugu hayneysa dowladda.

Waxaa mudan in la fahmo in mudo xileedka iyo tirada inta jeer ee loo tartami karo xilalka ay isku dabran yihiin oo loo baahan yahay in dastuurka dalka u degsan uu qeexo sida ku haboon oo laga yeelayo, waxaana sidoo kale xusid mudan in si xaqiiqda waafaqsan mudo xileedyada loogu jaangooyo tirada sanooyinka ku haboon, iyadoon lagu xumeyneyn shaqsiyada markaas xilka haysa, maxaa yeelay waxaa tixgelin mudan in si masuuliyad leh dib loogu fiiriyo waxa dhamaan madaxdii soo hogaamisey dowladihii ku meel gaarka ahaayeen iyo kuwii rasmiga ahaa ee ka dambeyey ay dhamaantood uga wada cabanayeen mudo xileedka oo ku yar iyo hawsha loo igmaday oo aan isku dheelitirnayn.

Waxaan shaki lahayn iney lagama maarmaan tahay in dastuurku uu u baahan yahay in loo diyaariyo sidii uu u noqon lahaa mid si dhameystiran u qeexa doorashooyinka ay dadweynuhu codadkooda ku dhiibanayaan, waxeyna taas meelmarinteeda ay waajib uga dhigeysaa madaxweynaha iyo raisulwasaaraha iney tilaabo cad ka qaadan sidii hagaajinta dastuurka lagu dhameystiri lahaa oo xal kama dambeysa looga wada gaari lahaa mudada ku haboon haynta xilalka dowlada, taas oo soo afjareysa qiil dambe oo ay madaxdu ugu helaan mudo kororsi ay xilalka ku sii haystaan.

Siyaasiyiinta waxaa la gudboon iney kala saaraan mudo kororsi iyo kordhinta lagu xadeynayo mudo xileedka oo loo gooynayo sanooyin caqligala oo u dhiganta dheelitirka waajibaadka ay u idman yihiina madaxda dowladda oo ay horyaalaan waxyaabo badan oo u baahan wakhti dheeriya in la siiyo sidii ay Soomaaliya uga soo kaban lahayd burburka dowladnimo iyo mida dibuhagaajinta calaqaadka ay Soomaaliya la leedahay caalamka oo labaduba qasab ka dhigaya ka soo kabashadooda iney u baahan tahay waqabad xoogan oo ay ku gadaaman yihiin duruufo adag oo ka gudbintooda loogu dhex shaqeynayo meelmarinta ka miro dhalintooda.


Dr. Saciid Ciise Maxamud 
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

- Advertisement -