Niyad Jab lasoo darsay Musharaxiin ay Wadatay Villa Somalia oo ku sugan Jowhar

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in halkaasi si weyn looga dareemayo ololaha ay wadaan qaar kamid ah musharaxiinta u taagan doorashada Aqalka Sare.

Musharaxiinta qaar ayaa bilaabay kulamo ay la qaadanayaan Xildhibaanada Hirshabelle ee dooranaya Senatarada ku matali doona Aqalka Sare, waxa ayna musharaxiinta qaar Xildhibaanada u sameenayaan balan qaadyo.

Sida aan wararka ku helnay musharaxiin dhoor ah oo isku haleenayay Villa Soomaaliya iyo Fahad Yaasiin ayaa hada waxaa lasoo darsay niyad jab kadib markii ay waayeen lacago horey loogu balan qaaday si ay olole ugu sameeyaan uguna laaluushaan Xildhibaanada.

Musharaxiintan oon markii hore saameyn badan laheyn dhaqaalana heesan ayaa isku haleenayay Villa Soomaaliya, hasa ahaatee waxaa saameyn xun ku yeelatay khilaafka siyaasadeed ee taagan iyo shaqo ka joojintii Fahad Yaasiin.

Sida aan xogaha ku helnay waxaa suurto gal ah musharaxiintan niyad jabsan in ay isaga harana doorashada ayna tanaasulaan, halka kuwa kalana ay wali rajo kasii qabaan in Villa Soomaaliy atagaeerto.

Waxaa hada olole xoogan wada siyaasiyiin ka madax banaan Villa Soomaaliya iyo kuwa mucaarad ku ahaa kuwaa oo nafis dareemaya kadib markii meesha ka baxday saameyntii Villa Soomaaliya ku laheyd doorashada Aqalka Sare ee Hirshabelle.

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Hirshabelle ayaa ka duwan doorashooyinkii hore ee Aqalka sare ee ka dhacay maamul goboleedyada kale, waxaana doorashada ka dhaceysa Hirshabelle tahay mid furan ay ka qeyb galayaan in ka badan 30-Musharax.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -