Allbanaadir.com
NEWS

Xubnihii ugu badnaa ee kasoo goostay Al Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay (Sawirro)

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed kusoo bandhigay dagaalyahanno katirsanaa kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay.

Dagaalyahannada Al Shabaab ee isku soo dhiibay ciidanka dowladda ayaa gaaraya toban xubnood, waxaana ragan la sheegay in ay katirsanaayeen qeybta jabhadaha Al Shabaab.

Xubnahan kasoo goostay Al Shabaab ayaa sheegay in kooxda uga soo baxeen dhibaatooyin jira owgeed, waxa ayna xuseen in ay ka faa’iideesteen cafiska dowladda u sameesay dadka kasoo baxaya Al Shabaab.

Kooxdan kasoo goosatay Al Shabaab ayaa noqonaya tiradii ugu badneed oo muddooyinkan dambe isaga soo taga kooxdaasi, waxaana markii hore lasoo bandhigi jiray hal ama labo nin oo kasoo goosata Al Shabaab.

Related posts

DF oo shaacisay Magacyada saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo howlgal lagu dilay

Caydiid Ali

Wado soo duntay oo sababtay geerida dad badan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qarax bam oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---