Allbanaadir.com
NEWS

DF oo shaacisay Magacyada saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo howlgal lagu dilay

Howlgal la sheegay in jab xoogan lagu gaarsiiyay Kooxda al shabaab ayaa ka dhacay tuulada Ugunji oo hoos tagta magaalada Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose

Howlgalkan ayaa lagu beegsaday Maxkamad ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaankaas, waxaana halkaas lagu dilay 7 Horjooge iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Sida ay sheegtay warbaahinta DF saraakiisha lagu dilay howlgalkaas waxaa ku jiray nin lagu magacaano Usame oo ahaa madaxa Al-shabaab ee deegaanka Ugunji.

“Dhagar-qabayaasha kale ee Khawaarijta ah ee la dilay ayaa waxaa kamid ahaa Cadnaan oo u qaabilsanaa diiwaan gelinta shaqsiyaadka shacabka ah ee laga rabo lacagaha baadda ah iyo Horjooge Yaxye oo ahaa Horjooge ku xigeenkii maleeshiyaadka jooga deegaanka Ugunji” ayaa lagu yiri war ay baahisay idaacada DF.

Related posts

Ciidanka Israel oo ka baxay Khan Younis ka dib dagaalo faraha looga gubtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Qoorqoor oo lacag aan caadi aheyn ka sameeyay Doorashada Xildhibaanada

Cabdi Cade

Tirada Gantaalada Iran ku garaacday Israa’iil oo la shaaciyay iyo goobaha …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---