Wado soo duntay oo sababtay geerida dad badan (Daawo Sawirada)

Wado kutaala Magaalada Varanasi ee dalka India ayaa soo duntay xili uu dhismo ka socday, waxaana wadadan oo aheyd mid sare kusoo duntay wado kale oo hoos marta ay marayeen gaadiid kala duwan.

Inta la xaqiijiyay 18-qof ayaa ku dhimatay wadadan soo duntay ,waxaa sidoo kale jira dad dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kooxaha gurmadka deg dega ayaana wali baadi goobaya dad kale oo ku hoos jira bur bura wadada.

Kooxaha gurmadka ayaa sheegay  wadada duntay inay aheyd mid uu dhisme ka socday, balse wado kale oo ka hooseysa gaadiidka iyo dadka ay isticmaalayeen kusoo duntay wadada dhismaha ku socday.

Muuqaalo iyo Sawirro la qaaday ayaa muujinaya gaadiid iyo mootooyin ku hoos jira bur burka wadada, waxaana kooxaha gurmadka xaqiijieen in ay soo saareen meydadka 18-qof halka wali baadi goob ku jiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -