Qarax bam oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ku fariisin meel ku dhaw isgoyska baar ubax ee degmada H/wadaag ayaa caawa lagu weeraray bam nuuca gacanta laga tuuro ah.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in ciidamada dowlada ay fureen rasaas xoogan markii bambaanada lagu weeraray, waxaana goobta bambada lagu tuuray ay aheyd meel mashquul badan.

Inta la xaqiijiyay afar qof ayaa ku dhaawacmay bambaanada lagu weeraray ciidanka dowlada, kuwaasoo isugu jiray saddex askari iyo qof shacab ah.

Ciidamada amaanka ayaa goobta xiray, halkaasoo ay ka sameeyeen baaritaano ay ku xaqiijinayaan amaanka, inkastoo aysan ku guuleysan soo qabashada kooxihii ka dambeeyey bamkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -