Dowladda oo Shaacisay in la dilay Horjooge katirsan Al Shabaab oo si weyn loo raadinayay

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal qorsheesan ay fuliyeen ciidamada kumaandooska Danab lagu dilay sargaal sare oo katirsanaa kooxda Al Shabaab, kaa oo la sheegay in si weyn loo baadigoobayay.

Wakaaladda wararka u faafisa Soomaaliya ee Sonna ayaa shaacisay in ciidamada Danab ku dileen deegaanka Beer-xaano oo hoostaga Kismaayo Muumin Dheere, oo ay sheegeen in uu ahaa madaxii dagaal gelinta u qaabilsanaa Al Shabaab gobolada Jubbooyinka.

Ciidamada Danab ayaa howlgalka inta ay wadeen sidoo kale la sheegay in ay dileen saraakiil iyo dagaalyahanno kale oo katirsan Al Shabaab ,kuwaa oo la socday horjooge Muumin Dheere sida Sonna baahisay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaacisay in ciidamada Danab gacanta kusoo dhigeen gaari ay wateen xubnahan katirsanaa Al Shabaab ee la weeraray, waxaa sidoo kale la qabtay dagaalyahanno nool nool sida dowladda sheegtay.

Sargaalkan la dilay ayaa wakaaladda Wararka Sonna shaacisay in si weyn u doon doonayeen kuna daba jireen dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka, waxa ayna ku tilmaameen nin halis badan oo dhibaato ku hayay dadka ku dhaqan Jubbooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -