Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoomiyihii Degmada Xamar Weyne oo la sheegay in Shirqool lagu xiray

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhawaan shaqo joojin iyo xarig isugu daray Gudoomiyihii degmada Xamar Weyne Cumar Shariif Jeeg , oo laga duubay cod sir ah isaga oo dhaliilaya booliiska, maamulka gobolka iyo Xukuumada Kheyre.

Hooyada dhashay guddoomiyaha degmada Xamar Weyne ayaa sheegtay in wiilkeeda lagu xiray shirqool uu u dhigay xisaabaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, waxa ayna Madaxweyne Farmaajo ka codsatay in wiilkeeda xabsiga laga sii daayo.

” Wiilkayga Mishin ayaa loo dhigay ,mishinkaasina waxaa u dhigay ninka xisaabiyaha ka ah Dowlada hoose ee Xamar, waxaana ka codsanayaa Madaxweynaheena Farmaajo in la sii daayo wiilkeyga Cumar Shariif” Ayey tiri Hooyada Gudoomiyihii Xamar Weyne.

Waxa ay sheegtay Hooyada Cumar Shariif in wiilkeeda uu diiday in uu saxiixo Warqad uu usoo diray Xisaabiyaha Guud ee maamulka gobolka Banaadir, waxa ayna cadeesay in wiilkeeda uu yahay nin aan runta ka ganban oo xaqiiqda beegsada.

Wareegto kasoo baxday maamulka gobolka Banaadir ayaa 5-tii bishaan September waxaa shaqada looga joojiyay gudoomiyihii degmada Xamar, waxaana Gudoomiyaha lagu xiray xarunta Dambi baarista CID-da .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Itoobiya oo baneeyey xero milateri oo ku taala duledka Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali

DF oo ku guuleysatay xalinta caqabad heysatay Soomaalida ku nool dalka Sudan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---