Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Itoobiya oo baneeyey xero milateri oo ku taala duledka Kismaayo (Sawirro)

Wasiirka Amniga dowladda Jubbaland Gen. Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo uu weheliyo Taliyaha Qaybta 43-aad Gen Cali Maxamed Maxamuud Bagmadow ayaa Ciidanka ATMIS kala wareegay Xerada ma dhamaato ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Xeradaan ma dhamaato oo sanooyin badan ay ku sugnaayeen ciidanka ATMIS ee ka socda Itoobiya ayaa waxaa wareejiyay Taliyaha Qeybta Lixaad ee ATMIS Gen. Lucas Kutto

Xeradan Ciidan ayaa ka mid ah xerooyin dhowr ah oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay kala wareegeen ciidanka ATMIS, iyadoo la qorsheynayo dhamaadka Sanadkan ineey guud ahaan dalka isaga baxaan ciidanka nabad ilaalinta u joogo.

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku jira dagaalka dalka looga ciribtirayo Al-shabaab ayaa dhanka kale wada dadaalo lagu hananayo amaanka guud ee dalka.

Related posts

Puntland oo amartay in Hawada laga saaro Telefishinka maamulka Somaliland

Cabdi Cade

Jabhada TPLF oo shaacisay in ay laayeen Ciidamo badan oo u dhashay Eritrea

Cabdi Cade

Maamulkii Magaalada Baydhabo xilka laga qaaday iyo Mid cusub oo lagu bedelay (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---