Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Muqdisho (Sawirro)

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane C/raxman Cabdishakuur Warsame oo bilahan dalka kaga maqnaa safaro shaqo oo dhinaca dibeda ah  ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Siyaasigan ayaa waxaa Garoonka dayuuradaha Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Xildhibaano iyo siyaasiin kala duwan, iyadoo wax yar ka dib loo galbiyay goob loogu diyaariyay soo dhoweyn maamuus leh oo ay soo qabanqaabiyeen taageerayaasha Xisbigiisa.

C/raxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay munaasabada soo dhaweynta ah ee Muqdisho loogu sameeyay ayaa ka hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin xaalada Siyaasada dalka, dhibaatada Daacish iyo Al Shabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo Jaaliyadihii Soomaalida ee uu la soo kulmay dalalkii uu safarada ku soo maray.

Mar uu ka hadlayey xaalada siyaasada dalka ayuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan u dulqaadan karin dhaliilaha ay kooxaha mucaaradka u jeediyaan taasoo uu sheegay iney khilaafsan tahay nidaamka dimoqraadiyada iyo afkaarta xorta ah.

Hogaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa tusaale wanaagsan u soo qaatay Maamulada Puntland iyo Somaliland oo uu sheegay in Siyaasiyiinta iyo musharaxiinta mucaaradka ee maamuladaas ay dhaliilaan hogaanka talada haya si loo saxo qaladaadka jira taasina ay tahay wadada saxda ah ee dowladnimada.

Ugu dambeyn hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay meel kaga soo wada jeestaan ilaalinta danahooda ummaddeed .

Soo labashada C/raxmaan C/shakuur oo ku soo beegantay xilli xiisad siyaasadeed iyo kala qeybsanaan ay ka dhex aloosan tahay madaxda sare ee dowlada ayaa muujisay taageerada mugga leh ee uu ku leeyahay magaalada Muqdisho taasoo nabar naxdin leh ku noqotay kooxda Nabad iyo Nolol.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -