Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF oo ku guuleysatay xalinta caqabad heysatay Soomaalida ku nool dalka Sudan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo kaashanaysa hay’adaha kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal dheer ku bixisay ka jawaabidda iyo xal u helidda caqabad haysatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Suudaan, iyada oo ku guuleysatay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas laga dhaafo lacagta degenaanshaha, lacagta ganaaxa iyo lacagta kaararka shaqada.

Go’aankan oo dhaqan galay 10 casho ka hor, ayaa ku yimi iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kala dhexeeya Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Suudaan, taas oo ay Labada Dowladood isla garteen in muwaadiniintooda ku kala sugan Labada Dal ay ugu adeegaan si siman, iyada oo laga cafinayo dhammaan kharashaadkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay uga mahadcelineysaa Dowladda Suudaan garab istaagga ay u muujiso dowladda Soomaaliya iyo fursaddan oo ay ka faa’iideysan doonaan ku dhowaad 7 kun oo arday ah iyo 300 oo qoys oo Soomaali ah oo ku dhaqan dalka Suudaan.

Related posts

Booliiska Muqdisho oo Shaaciyay Sababta ay u xir xirayaan dadka dhaqan xumada wada

Cabdi Cade

(Sawirro) Degaan todobaadyo lagu dagaalamayey oo ugu dambeyn lagala wareegay Al-Shabaab

Caydiid Ali

Saud al-Mojeb oo kiiska dilka Wariye Jamal Khashoggi u tagay Turkiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---