Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mashaariic ay ku Baxeyso $ 9 million oo laga fulinayo Muqdisho iyo Magaalooyin kale

Bangiga Aduunka ayaa dowlada Federaalka Soomaaliya ku taageeraya mashaariic kala duwan oo lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee Soomaliya, waxaana mashaariicdan ka faa’iideesanaya ilaa afar magaalo.

Mashruucan oo loogu magac daray “SURP”  ayaa ah mid lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya, waxaana mashruucan ku baxaya aduun lacageed oo gaaraya $ 9 million.

Hugh Riddell, oo ah u qeybsanaha Bangiga adduuka ee Soomaaliya ayaa sheegay in Bangiga aduunka Dowlada Federaalka uu ka taageerayo tababarida si dowlada awooda ugu yeelato in ay horu mar ka shaqeyso lana dhiso kaabayaasha dhaqaale.

Mashruucan Bangiga Aduunka ka fulinayo Soomaaliya ayaa wajiga hore waxaa ka faa’iideesanaya magaalooyinka waa weyn ee Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garawe , waxaana magaalooyinka la sheegay in ay ku badan yihiin dadka dalka kusoo noqonaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Shuruudaha iyo lacagaha laga rabo Musharixiinta labada Aqal ee Baarlamaanka

Caydiid Ali

Golaha Wakiillada Maamulka Somaliland oo ansixiyey heshiiskii dekeda Berbera (Akhriso)

Caydiid Ali

Labo Xaaladood oo saameyn aad u xun ku yeeshay Soomaaliya Sanadkii tagay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---