Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Nabad sugida oo Muqdisho ku qabtay xubno katirsan Al Shabaab

Ciidanka Nabad sugida Soomaaliya ayaa la sheegay howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ku qabteen xubno katirsan dagaalyahanada Al Shabaab oon la shaacin tiradooda iyo magacyadooda.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitterka ee Hay’ada Nabad sugida ayaa lagu sheegay in lagu soo qabtay xubno katirsan Al Shabaab oo la sheegay in ay qorsheenayeen in ay Muqdisho ka fuliyaan dilal iyo qaraxyo.

“7da Sabtembar, howlgal ayaa ciidanka amnigu kusoo qabteen koox Al-Shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada muqdisho ka fuliyaan, Ciidanka amnigu waxay naftooda u huraan soo qabashada argagixisada ah ayagoo khatar ku ah shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka Nabad sugida.

Hay’ada Nabad sugida Soomaaliya ayaa horey marar badan u sheegtay in magaalada Muqdisho ku qabatay xubno katirsan Al Shabaab, mana jiro ilaa hada Maxkamad lasoo taagay xubnaha la sheegay in Al Shabaab katirsan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah dowladaha Yurub oo Somalia kala baxeysa tababareyaal Milateri

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo aaday Kenya iyo xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Cabdi Cade

Beesha Mudulood oo Diyo ka bixisay labo nin oo katirsan Al Shabaab oo ay dileen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---