Allbanaadir.com
NEWS

Mid ka mid ah dowladaha Yurub oo Somalia kala baxeysa tababareyaal Milateri

Jarmalka ayaa sheegay inuu Somalia kala baxayo Tababarayaal milateri oo ka tirsanaa Ciidankeeda dabayaaqada Bisha March ee soo socota.

Sarkaal u hadlay Wasaaradda arrimaha dibedda dalka Jarmalka ayaa sheegay shalay inay joojinayaan howlaha leylinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee  Midowga Yurub ka wado Somalia

Shan Sarkaal ayaa dowlada Jarmalka ka jooga Somalia kuwaasoo ka qayb qaadanayay tababarka ciidamada Midowga Yurub ay siiyaan ciidanka Soomaaliyeed, Sanaddii 2010-kii ayeyna dalka soo galeen.

Jarmalka ayaa ka mid ah dalal Reer galbeed ah oo dowlada Soomaaliya ka taageera tababarrada ciidanka, la talinta iyo arrimo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Wararkii u dambeeyey xasuuq argagax leh oo Israel ka geysatay Rafax

Caydiid Ali

Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweyne Waare oo caawa laga laabtay iyo xog ku aadan lacagta la siiyay …

Cabdi Cade

(Sawirro) Xildhibaanada Golaha shacabka BFS oo maanta dood kulul yeeshay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---