Duqeyn lala beegsaday sargaal sare oo katirsan Al Shabaab oo ka dhacday Jilib

Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe ayaa sheegaya in xalay duqeyn diyaaradeed ka dhacday degmadaasi, waxaana duqeyntan lala eegtay xubno sare oo katirsan Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ay maqleen jugta culus duqeynta lala eegtay Al Shabaab, walina lama oga duqeyntan ka dhacday Degmada Jilib khasaaraha kasoo gaaray xubnihii lala eegtay.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in duqeynta ka dhacday degmada Jilib lagu bartilmaameedsaday sargaal katirsanaa Amniyaadka Al Shabaab oon wali magaciisa la sheegin , lamana oga in duqeyntaasi waxyeelo kasoo gaartay.

Diyaaradaha dagaalka Dowladaha Mareykanka iyo Kenya ayaa marar badan duqeymo waxa ay ka geesteen degmada Jilib iyo deegaano kale oo ku dhaw dhaw, waxaana duqeymahaasiĀ  waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah iyo xubno katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -