Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo aaday Kenya iyo xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi la socda ayaa goordhaw u ambo baxay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas uu kula kulmi doono masuuliyiin katirsan dowladda Kenya.

Sida aan xogta ku heleyno safarka Ra’isul Wasaare Xamse Barre ugu ambo baxay magaalada Nairobi , ayaa salka ku haya khilaafka ka dhashay doorashada maamulka Jubbaland iyo ciidamada dowladda Federaalka geysay deegaanno katirsan Jubbaland.

Dowladda Kenya oo saameyn badan ku leh deegaannada maamulka Jubbaland , ayaa horey ugu guuldareesatay in xal ka gaarto khilaafka u dhaxeeyay Xukuumadda Soomaaliya iyo Axmed Madoobe, waxa ayna Kenya wafdi xal raadin ahaa u kala dirtay Muqdisho iyo Kismaayo.

Xiisada xooggan ee u dhaxeysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa hadda meel xun gaartay, waxaana laga cabsi qabaa in ay dagaallamaan ciidamada dowladda geysay Raaskanbooni iyo ciidamada maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo Shaacisay tirada Gaadiidka Gaashaaman ay ka iibsaneyso dowlada Turkiga

Cabdi Cade

Dayuurada Kenya Airweys oo ku degi weysay Muqdisho, dibna u laabatay (Sababta)

Caydiid Ali

Soomaaliya oo loogu deeqay adduun lacageed oo gaaraya $710 Milyan oo dollar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---