Magacii iyo Calankii DDSI oo maanta si rasmi ah loo bedelay (Daawo Sawirada)

Baarlamaanka Maamulka Soomaalida ayaa maanta kulan aan caadi aheyn waxa ay ku yeesheen magaalada Jigjiga, waxaana kulanka Baarlamaanka intii uu socday lagu doortay Afhayeenka Baarlamaanka maamulkaasi.

Xildhibaanada Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa Afhayeenka Baarlamaanka u doortay Cabdi Maxamed Aadan (Ugaas) halka Cabdullaahi Siciid Cumar ayaa isna loo doortay guddoomiyaha maxkamadda guud.

Baarlamaanka maamulka ayaa sidoo kale magaca rasmiga ah ee maamulka isku raacay in uu noqdo Dawlad-deegaanka Soomaalida , halka markii hore uu ahaa Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxa ay sidoo kale Baarlamaanka meel mariyeen calanka rasmiga ah uu yeelanayo maamulkaasi, waxa ayna  isku raaceen in calanka uu noqdo midka xagga dambe ku leh xiddigta cad ee shanta gees , waana calankii ugu horeeyay maamulkaasi yeeshay.

Xisbiga Hogaamiya maamulka Soomaalida ayaa sidoo kale la isku raacay in uu noqdo Xisbiga Dimoqaraadiga Shacabka Soomaalida, waxa ayna tilaabooyinkan ka dambeeyeen soo jeedin ka timid Madaxweyne Mustaf Cagjar.

Maamulka Soomaalida ee xaruntiisu tahay Jigjiga ayaa isbadal weyn ka dhacay kadib markii uu is casilay Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi, waxaana dhawaan Madaxweynaha uu soo dhisay Xukuumad cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -