Baaritaano lagu ogaaday in Simegnew Bekele isagu is dilay

Baaritaano horu dhac ah ay soo saareen booliiska Itoobiya ayaa lagu ogaaday in Injineer  Simegnew Bekele oo ahaa Madaxii Mashruuca biyo xireenka weyn ee Abay ee dalka Itoobiya in isagu is dilay .

Booliiska oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxii Mashruuca biyo xireenka Abay in isagu isku dhax dilay gaarigiisa , waxaana booliiska falkan ku sameeyeen baaritaano qoro dheer .

Meydka Injineer Simegnew Bekele ayaa meydkiisa laga dhax helay gaarigiisa, waxaana gaariga xiligaasi laga dhax helay biskoolad uu lahaa, waxaana jiray shaki laga qabay in la toogtay.

Mashruuca biyo xireenka ee Abay uu madax ka ahaa Injineerkan is dilay ayaa waxaa ku kacayay lacag gaareysa $4.7bn, Biyo xireenkan oo laga dhisayo gobolka Benishangul-Gumuz oo xad la leh Suudaan ayaa dhalin doona 6,000 oo megawatt oo koronto ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -