Nin la socday gaari Meyd lagu siday oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Askari katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa maanta laamiga Warshadaha gaar ahaan isgooska Warshada Taraqa iyo Sigaarka waxa uu ku dilay nin la socday gaari Amplaas ah oo lagu waday meyd la doonayay in lasoo aaso.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dilka uu ka dhacay Isgooska Taraqa iyo Sigaarka ay joogeen ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya, waxaana muran la sheegay in uu dhax maray dad la socday gaadiidka meydka siday iyo askariga dilka geestay .

Ninka uu dilay askarigan katirsanaa ciidanka dowlada ayaa la socday gaariga Amplaasta uu meydku saarnaa, waxaana magaca marxuunka lagu sheegay Marxuum Axmednuur Xasan Xuseen .

Ciidamo kale oo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa durba gacanta ku dhigay askariga dilka u geestay qofka shacabka ah, waxaana meydka ninka la dilay loo qaaday xarunta CID-da si baaritaano loogu sameeyo.

Dadkii la socday gaariga meydka lagu siday iyo gaadiidkii kale ee la socday ayaa aad uga argagaxay dilkan naxtinta leh, waxaana la sheegay in dib u dhac kooban uu ku yimid aaska meydkii la doonayay la aaso.

Qeybo kamid ah Laamiga Warshadaha  ayaa maanta saacado kooban xirnaa, waxaana xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ka socotay munaasabad uu xilka kula kala wareegayeen Taliyaha cusub ee Milatariga Soomaaliya iyo Taliyihii hore.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -