Haweeney ku dhaqaaqday Fal argagax leh oo dad badan ka careesiiyay !!

Magaalada Kashmir qeybta ay maamusho dalka Hindiya waxaa ka dhacday fal argagac leh oo dad badan ka careesiiyay , waxaana dhacdadan si weyn u hadal heysa Warbaahinta Caalamka.

Haweeney kunool degmada Baramulla oo katirsan Kashmiir ayaa gabar 9-sano jir ah uu dhalay ninka iyada qaba waxa ay ku dalbatay rag kula kaca falal isugu jira kufsi iyo dil argagax leh.

Booliiska Kashmiir ayaa sheegay in Haweeneydan wiil ay dhashay oo 14-sano jir ah iyo sadex nin oo kale ka dalbatay in ay horteeda ku kufsadaan kadibna u geestaan dil argagax leh.

Meydka gabadhan yar oo la la’aa mudo 10 maalin ah ayaa axadii laga helay goob qashin qub cidlo ah , waxaana jirka gabadhan yar ka muuqday kufsi ,jirdil iyo aashito jirkeeda lagu gubay .

Ciidamada booliiska ayaa howl gal ay sameeyeen waxa ay kusoo xireen lix qof oo loo heesto in ay ku lug lahaayeen falkan argaga leh, waxaana booliiska wadaan baaritaano ku aadan falkan argagaxa leh

Haweeneyda gabadha eedada u aheyd ee falkan iyadu in masuul ka aheyd lagu tuhmayo ayaa la sheegay in gabadhan aad u necbeyd, waxa ayna ka xumeyd aabaha dhalay gabadhan oo aad uga jeclaa caruurtiisa kale.

Dad kunool magaalada Kashmiir qeybta Hindiya ayaa aad uga xumaaday dhacdaday, waxa ayna dowlada ka dalbadeen in lasoo saaro sharci adag oo looga hortagayo tacadiyada foosha xun ee lagula kaco caruurta gaar ahaan gabdhaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -