Madaxda Eritrea iyo Itoobiya oo Farmaajo kusoo dhaweeyay Asmara (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea oo lagu wado in beri ka furmo shir sadex geesood ah.

Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Asmara waxaa Madaxweyne Farmaajo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dalka EritreaĀ Asaias Afwerki iyo Raā€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo dhaweynta kadib waxaa loo galbiyay Hotel kuyaala magaalada Asmara, waxaana caawa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo kulamo la qaato Madaxda Eritrea iyo Itoobiya.

Madaxda dalalka Soomaaliya , Eritrea iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa in beri yeeshaan shir sadex geesood ahĀ ay uga wada hadlayaan arimo muhiim ah ay ku jiraanĀ  adkaynta xasilloonida amni iyo dhaqaale ee gobolka ee Geeska Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.comĀ 

- Advertisement -