Xukun dil ah oo lagu riday Shan nin oo kufsi ka geestay Gaalkacyo (Akhriso Magacyada)

Maxkamada darajada koobaad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday shan nin oo dhalinyaro ah kuwaa oo lagu helay in ay geesteen kufsi Wadareed.

Ragan xukunka dilka ah maanta lagu riday ayaa lagu helay dambi ah in ay geesteen kufsi wadareed, waxaana kufsiga ragan geesteen la sheegay in uusan aheyn kii dhawaan Gaalkaco loogu geestay gabar 12-sano jir ah balse uu ahaa mid kale oo kasii horeeyay.

Maxkamada Darajada koobaad ayaa amartay in ragan xukunka dilka ah lagu riday lagu sii hayo xabsiga, waxaana xukunkan dilka ah ee lagu riday ragan kufsiga geestay kusoo aadeysaa xili dhawaan Gaalkacyo kufsi iyo dil loogu geestay gabar 12-sano jir ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -