Milatariga Somalia oo sheegay in ay qabteen Sargaal iyo xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa howlgalo ay ka sameeyeen magaalada Marka iyo duleedkeeda waxaa la sheegay in ay kusoo qabteen sargaal iyo dagaalyahano kale oo katirsan Kooxda Al Shabaab.

Abaanduullaha ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay in Ciidanka milatariga gacanta kusoo dhigeen 32 dagaalyahan uu ku jiro sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Abaanduulaha in xubnahan ciidanka soo qabteen ay qirteen in ay katirsan yihiin kooxda Al Shabaab, waxa uuna intaa ku daray in dagaalyahanadan qaarkood xiliga lasoo qabanayay ku guda jireen falaal amaan daro.

Abaanduulaha ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in xubnahan katirsan Al Shabaab la horgeyn doono Maxkamada ciidamada qalabka sida si loogu qaado dacwadaha loo heesto.

Xubnaha Milatariga Soomaaliya kusoo qabteen magaalada Marka ayuu sheegay Abaanduulaha ciidanka Milatariga in uu ku jiro Sargaal Al Shabaab u qaabilsanaa dilalka ka dhaca magaalada Marka oo lagu magacaabo Cabdicasiis Jamaal.

Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa dhawaan weerar ku qaaday magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose, waxa ayna ciidanka la wareegeen qeybo kamid ah magaaladaasi oo horey Al Shabaab u maamulayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -