Dagaal culus oo maanta dhax maray Ciidamada dowlada iyo kuwa Al Shabaab

Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta duleedka degmadaasi ka dhaceen dagaal culus oo u dhaxeeyay dagaalyahanada Al Shabaab iyo ciidanka dowlada.

Dagaalka oo socday dhowr saacadood ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay deegaanada Maykaareebey iyo  Iimey oo Qiyaastii 20 KM dhinaca Waqooyi kaga beegan Degmada Garbahaarey.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa qarxay kadib markii ciidanka dowlada iyo kuwa Itoobiyaan ah ay weerar ku qaadeen goob la sheegay in ay ku sugnaayeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa in uu hada qaboobay, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay, mana jiro ilaa hada ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha labada dhinac kala gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -