Al Shabaab oo shaacisay in saakay dileen in ka badan 130 askari oo katirsan ATMIS (Sawirro)

Al Shabaab ayaa saakay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ku qaaday saldhig weyn oo ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda ku lahaayeen deegaanka Buulamareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Bayaan kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu shaacisay in dagaalka ku dileen 137-askari oo katirsanaa ciidamadii ku sugnaa xerada ay weerareen, waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in ay nolosha ku qabteen qaar kamid ah ciidamada ATMIS.

Al Shabaab ayaa  sidoo kale bayaankooda ku sheegay in ay ku bur buriyeen gaadiid iyo hub badan ay lahaayeen ciidamada ATMIS, waxa sidoo kale sheegeen in xeradaasi ka qaateen hub iyo agabyo kale oo ciidamada lahaayeen.

Al Shabaab sawirada ay soo bandhigeen ayaa muujinaya xerada ciidamada ATMIS ay gudaha ugu jiraan ayna gubayaan gaadiidka dagaalka ee ciidamada iyo sidoo kale goobihii ay xerada ka degnaayeen.

Taliska ciidamada ATMIS iyo dowladda Uganda ayaan wali si rasmi ah u faah faahin khasaaraha ka dhashay weerarkii Al Shabaab saakay ku qaadeen xero ciidamada ka socda Uganda kaga sugnaayeen deegaanka Buulomareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -