Wasiir Abshir Cumar oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac oo booqasho rasmi ah ku gaaray magaalada Moscow ee dalka Ruusha ayaa maanta kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi Mudane Sergey Lavrov.

Mudane Abshir Cumar Huruuse iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ruushka ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal u dhaxeeya iyo sidii loo sii horumarin lahaa xiriirkaasi.

“Waxaan ka wada hadalnay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa, una ahaan lahaa mid mar walba ku dhisan Iskaashi, is-qadarin iyo wax wada qabsi” ayuu yiri wasiir Haruuse.

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka ayaa dhankiisa sheegay in uu soo dhaweenayo dhigiisa Soomaaliya, waxa uuna ballan-qaaday in lasii xoojin doono xiriirka labada dal u dhaxeeya ayna taageero siin doonaan Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka ayaa leh xiriir saaxibtinimo oo qota dheer, iyada oo dalka Ruushka Soomaaliya ka caawin jiray dhanka dhisidda ciidamada qalabka Sida gaar ahaan ciidanka xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -