Allbanaadir.com
NEWS

Nin rakaab ah oo furay albaabka diyaarad hawada ku jirta iyo waxii dhacay !

Nin ayaa loo xiray inuu furay albaabka badbaada ee sida degdegga ah looga dago diyaaradda marka khatar ay jirto. Duulimaadka diyaaradda Asiana ayaa la filayay inay caga dhigato dalka Kuuriyada Koonfureed.

Dhammaan 194 rakaab ee saarnaa dulimaadka ayaa bad qaba, iyadoo diyaaradda oo albaabku u furan yahay ay si nabada ugu dagtay dhabbaha diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka caalamiga ah Daegu Jimcihii.

Kala bar rakaabkii diyaaradda saarnaa ayaa la kulmay dhibaato xagga neefsashada ah, waxana loo qaaday isbitaalka, sida ay warisay warbaahinta gudaha.

Ninka furay albaabka diyaaradda oo da’da sodonaadka ku jira ayaa la xiray markii diyaaraddu cagadhigatay.

Xiliga saxda ah ee la furay albaabka diyaaradda ma cada, waxaase la furay xili gabagabo uu ku dhawyahay dulimaadka daiyaaradda oo ah abaare 12:45 xiliga gudaha (03:45GMT) sida warbaahinta Kuuriyada Koonfureed werisay.

Shirkadda diyaaraddaha ee Asiana waxay sheegtay in boolisku bilaabay baaritaan buuxa oo ku saabsan dhacdadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad badan oo ku dhintay daadad kusoo rogmaday degmada Baardheere

Cabdi Cade

Madaxweyne Ramaphosa oo beertiisa ku qariyay lacago lasoo xaday iyo Xaalka oo ku xun

Cabdi Cade

Ciidanka Danab oo howlgal ku soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo hub (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---