Farmaajo oo mar kale ku sii jeeda Eritrea & kulan Saddex geesood ah oo ka dhacaya Asmara

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Mar kale ku sii jeeda Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea.

Qaar ka mid ah Warbaahinta Eritrea ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu doonaayo inuu dhex dhexdhexaadiyo dalalka Jabuuti iyo Eritrea oo sanado badan ay u dhexeysay colaad la xiriirta muran dhinaca xuduuda ah.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Eritrea ayaa sidoo kale maanta xaqiijiyay Booqashadda Madaxweyne Farmaajo ee Asmara, waxaana uu sheegay in ay socdaan qabanqaabadda soo dhaweyntiisa.

Farmaajo ayaa marka uu ka soo laabto Asmara soo mari doona dalka Jabuuti, halkaasi uu mar kale kula kulmi doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa sidoo kale lagu waddaa in dhamaadka Bishan ay yimaadan Muqdisho Madaxweynayaasha Eritrea iyo Jabuuti sida uu sheegay diblomaasi Sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Jabuuti.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya Madaxweyne Farmaajo uu magaalada Asmara kaga qeyb galayo shir seddex geesood ah oo ay yeelanayaan isaga, madaxweynaha Eritrea Afawerki iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed oo saaka gaaray dalkaas.

Abiy Axmed ayaa ku sugan magaalada Assab ee dalka Eritrea, halkaasoo ay ku taalo deked muhiim u ah dowladda Eritrea.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -