Qarax ka dhacay agagaarka safaarada Maraykanka ee Qaahira (Daawo Sawirro)

Booliska Masar ayaa xabsiga u taxaabay nin la sheegay inuu isku dayay inuu qarax ka fuliyo agagaarka safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Safaaradda ayaa uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan halkaasi inay ka fogaadaan goobta.

Qof goob jooge ayaa ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters ayuu sheegay inuu maqlay dhawaaqa qarax islamarkaasna uu arkay nin watay boors oo u muuqday in sidii uu rabay uu qaraxa u dhici waayey.

Reuters ayaa intaasi ku dartay in ninka ay qabteen lammaaha ammaanka islamarkaasna dabka ka dhashay waxyaabaha qarxa ay damiyeen.

Wararku waxay sheegayaan in lammaaha ay isku gadaameen goobta ayna howlgallo ka wadaan.

Lama faahfaahin waxaa uu ninkan iyo ujeedada uu ka lahaa, balse booliska ayaa sheegay iney wadaan baaritaano arimahan la xiriira, waxaana la xoojiyey amaanka safaarada Maraykanka ee Qaahira.

“Explosion” in the vicinity of the US embassy in the Egyptian capital

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -