Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti oo Muqdisho gaaray & xog ku aadan ujeedada safarkiisa (Daawo Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga dowlada Jabuuti Cali Xasan Bahdoon iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo koox fanaaniin ah waxeyna u yimaadeen inay ka qeyb galaan Xafladda munaasabada iyo dabaadega 1-da Luulyo oo lagu waddo in caawa Magaalada Muqdisho lagu qabto.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Xubnaha Wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ay kulamo kula qaadan doonaan Madaxda dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -