Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo oggolaaday in Ukraine la siiyo Nuuc kamid ah diyaaradaha dagaalka

Dowladda Ukraine ayaa raadin badan ugu jirtay sidii loogu caawin lahaa diyaarado dagaal gaar ahaan kuwa casri ah, si ay ugula dagaalamaan ciidamada Ruushka ee duullaanka kusoo qaaday dalkaasi .

Mareykanka iyo xulufadiisa reer Galbeedka ayaa Ukraine ku taageeray hub iyo agabyo kale oo dagaalka muhiim u ah, waxa ayna mar kale doonayaan in ay ku taageeraan hub casri ah si u xoojiyaan ciidamada Ukraine.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in uu u ogolaan doono xulafadiisa reer galbeedka in ay siiyaan Ukraine diyaarado dagaal oo casri ah, oo ay ku jiraan diyaaradaha Mareykanka ee F-16, taas oo xoojin doonto Kyiv.

Lataliyaha Amniga Qaranka Jake Sullivan ayaa sheegay in Madaxweyne Joe Biden go’aankan dowladda Ukraine loogu oggolaaday in la siiyo diyaaradaha F-16 ku war-galiyay madaxda dalalka G-7 ee shirka uga furmay Japan.

Jake Sullivan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada cirka Mareykanka tababar siin doonaan ciidamada Ukraine si ay u adeegsadaan diyaaradahan casriga ah ee F-16, waxa uuna xusay in diyaaradahan wax badan u tari doonaan milatariga Ukraine.

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa guul ku tilmaamay go’aankan loogu oggolaaday diyaaradaha casriga ah , waxa uuna xusay in muddo dheer raadinayeen helitaanka diyaarado dagaal oo casri ah si duullaanka Ruushka isaga difaacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaybta 1aad :-Maxaad kala socotaa hashii Mucjisada aheyd ee la siiyey Nebi Saalax CS?

admin

Cabsi xooggan oo ka taagan Magaalada Beladweyne & digniino la soo saaray

Caydiid Ali

Duqeyn kale oo maalmo gudahood Al-Shabaab lagula beegsaday gobolka Hiiraan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---