Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Masuuliyiin ka tirsanaa Maamulkii Cabdi Maxuud Cumar oo xabsiga loo taxaabay

Maamulka cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga dhigay Mauuliyiin kala duwan oo ka tirsanaa maamulkii hore ee degaanka.

Xubnaha la xiray waxaa ka mid ah labo Wasiir oo dhawaan muddo kooban lagu xiray magaalada Hargeysa, kuwaasoo markii la sii daayey dib loogu celiyay Itoobiya.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in la xiray Xildhibaano ka tirsanaa baarlamanka DDSI  oo dhawaan Baarlamanka Maamulkaas uu xasaanadii ka qaaday.

Shalay ayey aheyd markii sidoo kale  booliska Itoobiya ay xabsiga dhigeen Madaxweynihii hore ee degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo loo heysto inuu geystay gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyadoo dhowaana maxkamad la soo taagayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay ururka caalamiga ah ee GGGI

Cabdi Cade

Al Shabaab oo qabatay Diyaarad Drone ah kusoo dhacday Deegaan ay maamulaan (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Kenya oo Diblumaasiyad qasab ah iyo Carqaladeyn wax ku raadineysa !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---