Al Shabaab oo War kasoo saartay Dagaalyahano saakay looga dilay Muqdisho

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in saakay dagaalyahano kooxdooda katirsan weerar ku qaadeen gaari dagaal ay la socdeen ciidamo katirsan Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo marayay agagaarka Isgooska Banaadir.

Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahanadooda rasaas ku fureen gaariga ay la socdeen ciidanka Koofiyo casta halkaasna ku dileen 5-askari oo katirsan ciidanka Ilaalada Madaxtooyada halka ay sheegeen in sadex askari oo kale ay dhaawaceen.

Warka kasoo baxay Al Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada dowlada ay dileen labo dagaalyahan oo kamid ahaa kooxdii rasaasta ku furtay gaariga dagaal ay la socdeen ciidanka dowlada.

“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar labeegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidanka Koofiya casta loo yaqaan ee madaxtooyada ilaaliya, allaah fadligiis mujaahidiintu 5 askari ayay dileen sedax kalane waa dhaawaceen, ” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin weerarkan saakay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan daarta Saybiyaano ee dhaliyay khasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -