Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo 32 sanno kaddib ka qeyb gashay Shirka Global Payment Week

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysey mudo 32 sano ah kadib ka qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Global Payment Week 2023 ( GPW) oo sanadkan lagu qabtay magaalada Marrakesh ee dalka Morocco.

Waxaa shirkaas soo qaban qaabiya Bankiga Aduunka waxaana ka soo qeybgala Bankiyada Dhexe ee Aduunka iyadoo lagu soo bandhigo teknologiyada cusub ee Hanaanka Lacag Bixinta aduunka.

Soomaaliya oo ku guuleysatay hirgelinta Hanaanka lacag Bixinta Qaran waxey sidoo kale halkaas ugu qeyb gashay dood ay qeyb kahaayeen Bankiga England, Bankiga European Union, Mexico iyo Oman, waxaana lagu soo bandhigay doodaas Guulaha Soomaaliya ka gaartey hirgelinta mashruucan.

Waxaa shirkan Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku matalayey wafdi uu hor kacayo Agaasimaha Sare ee Lacagta iyo Howsha Bankiga Axmed Xundubey iyo qaar ka mid ah howl-wadeenada Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kooxdii RSF oo laga saaray Khartuum & Jen Al-Burhan oo..

Caydiid Ali

Maxamed Cabdi Suubiye (Toosow) oo howlgal qorsheysan lagu dilay

Caydiid Ali

Sirdoonka Ruushka oo fashiliyey qorsheyaal halis ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---