Allbanaadir.com
NEWS

Xasan Sheekh oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Amiir Maxamed Binu Salmaan (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Boqortooyada Sacuudiga ayaa kulan-doceed la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan.

Xasan Sheekh iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal, kobcinta iskaashiga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxa uuna madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh mar kale ka codsaday dowladaasi in ay ka taageerto dhinacyo badan ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Sacuudiga u tagay ka qeybgalka Meertada 32-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda Carrabta ayaa la filayaa in kulamo kala duwan la qaato qaar kamid ah madaxda Carbeed ee shirkaasi ka qeyb gashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkadda Twitter oo digniin adag u dirtay Macaamiisheeda & khatar soo shaac baxday

Caydiid Ali

Musharax Shaaciyay Sababta keentay in Daalibaan la wareegto talada Afganistan

Cabdi Cade

Ciidanka dowladda oo fashiliyay Qarax goob Suuq ah la galiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---