Fanaan caan ah oo sabab laga naxay u joojiyey bandhig faneed weyn (Daawo Sawirro)

Waxaa baaqday bandhig faneed uu fanaan caan ah ku qabanayay fagaare ku yaalla magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, kaddib markii fanaankii heesaha ka qaadi lahaa xafladda uu codkii kasoo bixi waayay ka hor inta uusan heesin.

Taageerayaasha fanaan Bono oo u dhashay Ireland ayaa niyad jab kaga soo laabtay munaasabadda. Bono ayaa tageerayaashiisa ka raaligeliyay in uusan heesi Karin maadama uu codkiisa lumiyay.

Qaar kamid ah taagerayaasha ayaa sheegay in fanaan Bono uu qiiq ku baxay islamarkaasna uu saamayn ku yeeshay codkiisa.

Bayaan kasoo baxay kooxdii maamulaysay bandhig faneedka ayaa lagu sheegay in fanaan Bono uu leeyahay cod macaan, markii uu heeso yar ka qaaday goobta uu codkiisa ka lumay balse ay qorsheynayaan in habeen kale ay Berlin ku qaban doonaan munaasabad.

“Ma garan karno waxaa dhacay balse waxaan raacaynaa tallooyin caafimaad, arrintani ma ahan dhibaato wayn, balse waan la tacaali doonaa, haddii aad doonaysaan inaad guryaha aadaan, waad fasaxan tihiin bandhigeed faneed kale ayaan heeso kusoo bandhigi doonaa” ayuu yiri fanaanka

Majaajilaystaha Mareykanka u dhalatay Ashley Judd oo ku sugnayd bandhig faneedka ayaa sheegtay in dadka ay u naxeen fanaanka islamarkaasna uu ahaa qof dhibtoon oo aanan awood lahayn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -