Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Gudoomiyeyaal degmo & Masuuliyiin kale oo ku dhintay Qaraxii Muqdisho

Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxii ismiidaaminta  ahaa ee ka dhacay xarunta Maamulka gobolka Banaadir, iyadoo la soo werinayo masuuliyiin dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

Sida ay Allbanaadir u xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan masuuliyiinta ku dhintay qaraxan waxaa ka mid ah guddoomiyaasha  degmooyinka Waaberi,  iyo Cabdicasiis iyo sidoo kale agaasimayaal katirsan maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa kale oo la xaqiijiyey in qaraxa ku dhaawacmeen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow ,qaar kamid ah gudoomiyaasha degmooyinka,Afhayeenka gobolka, Agaasimayaal iyo xubno kale oo maamulka gobolka katirsan.

Waxaa wali adag in la ogaado khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan ismiidaaminta ah oo ka dhacay hool ay shir ku lahaayeen maamulka Gobolka Banaadir, dowlada Soomaaliya ayaana wali si rasmi ah uga hadlin qaraxan xoogan.

Waxii Warar ah ee soo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka & UK oo Duulaan ballaaran ku qaaday Xuutiyiinta gudaha Yemen (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan ka hadlay Sababta ay maanta u tageen magaalada Kismaayo

Cabdi Cade

Masuuliyiin katirsan dowladda oo ka qeyb galay bannaan-bax weyn oo ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---