Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Markab dagaal uu leeyahay dal Muslim ah oo ku xirtay deked ku taalla Israel (Sawirro)

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ku soo xirtay Israel, taasoo ah imaanshihii ugu horeysay ee markan noocaan ah muddo toban sano ka badan, iyadoo xiriirka labada dal uu soo hagaagayo kadib markii khilaaf xooggan oo la xiriira qadiyadda Falastiin uu ka dhex aloosmay.

Sida uu sheegay sarkaal Turki ah Markabka Kemalreis ayaa ku soo xirtay dekedda Haifa isagoo qeyb ka ah dhaqdhaqaaqyada NATO ee Badda Mediterranean-ka.

Israa’iil ayaa sheegtay in Ankara ay u gudbisay codsi horudhac ah oo ku aaddan in shaqaalaha markabka inay kasoo degaan xeebta.

Mas’uul ka tirsan dekedda Haifa ayaa sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo markab ay leeyihiin ciidamada badda Turkiga uu ku soo xirto tan iyo 2010, markaasoo xiriirka laba geesoodka ah uu burburay kadib markii Israa’iil ay weerartay kolonyo gargaar ah Turkigu oo isku dayay inay jebiyaan go’doominta Marinka Gaza. Toban qof oo Turki ah ayay ciidamada badda Israa’iil ku dileen dhacdadaas.

Related posts

Qabriga Bashar Al Asad aabihiis oo dab la qabadsiiyey

Caydiid Ali

Madaxwene Farmaajo oo tacsi ah u diray Ra’isul Wasaarihii hore ee Sooomaaliya

Cabdi Cade

Xiisad ka taagan Magaalada Baydhabo iyo qalalaase cusub oo laga cabsi qabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---