Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukuntay rag iyo haween ka tirsanaa Al-Shabaab

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxay xukun ku riday dad lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo ay ku jirto qof haweeney ah.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow oo ah eedeysanaha koowaad ayaa Ciidamada amniga soo qabteen 22-kii  Bishii 4aad  ee sanadkan, iyadoo xilligaas lala xiriirnayay Alshabaab, waxaana Ciidamada amniga oo hayay xogta eedeysanaha ay xilligaas kadib   ku wareejiyeen Hey’adaha Baarista, waxaana uu eedeysanaha fududeeyay inay gacanta dowladda soo galaan Eedeysanayaasha kale oo kala ah:-

Waris Maxamed Cumar

Xasan Cali  Maxamuud iyo

Aadan Muuse Cadaawe.

Hey’adaha Baarista ayaa intaas ka dib u soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxayna Xafiiska Xeer Ilaalinta weydiistteen Maxkamadda in loo gudbiyo  Eedeysanayaasha Xabsiga dhexe   si’ ay  u soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanayaasha loo soo gudbiyay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa intaas kadib sii guda galay baaritaanka eedaha loo heysto Eedeysanayaasha, waxaana eedeysanaha koowaad Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow lagu soo eedeeyay in uu ka tirsanaa Alshabaab, waxa uu qirtay in uu ku biiray Alshabaab 2015, waxa ay sidoo kale Xafiiska soo cadeeyeen in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow uu kamid ahaa kun dhallinyara ah oo  shaqaalaha Maamulka gobalka Benaadir   kaga soo biiray degmada Howlwadaag xilligaasi oo uu gudbin jiray liiska magacyada ganacsatada ee bixiya adeegyada dowladdu ku leedahay, waxa  ay sidoo kale baaristooda ku ogaadeen in uu Alshabaab u soo qabtay howlaha Jabhadeynta iyo Wardoonka oo uu isaga ku qiray Qiraalkiisa.

Waris Maxamed Cumar ayaa iyada loo heysta in ay aheyd keyd hayaha Hubka Alshabaab sida bam-booyinka gacanta laga tuuro, waxayna sidoo kale cadeysay in Alsabaab ay ku biirrtay 2011 oo hubka gaar ahaan bambooyinka ay isaga gudbin  jirtay Ceelasha iyo Magaaalada Muqdisho.

Xasan Cali  Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ayaa iyagana loo heystaa kamid ahaansiyada Al-Shabaab, sidoo kale waxaa loo heystaa inay u soo dagaalameen Alshabaab gaar ahaan kuwooda jid galeenka ah.

Maxkamadda Ciidamada ayaa iyada kiiskan u Fariisatay laba jeer, Markii hore ayaa aheyd 11 bishii 8aad, waxaana xilligaas garsoorayaasha ay Xafiiska Xeer Ilaalinta ka dalbadeen inay soo dhameystiraan Cadeymaha kiiska.

27 bishii 8aad ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkamadda, waxaana Xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen, cadeymo ay kamid yihiin nin dhaawac uu horey ugu geystay Maxamed Cabdullahi Max’ed Caddow.

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu dambeyn go’aan ka soo saartay,  kadib Markii ay dhageysteen Qiraalka Eedeysanayaasha, Doodda dhinacyada Dacwadda ee aheyd muujinta dambiyada loo heysto iyo Qareenada oo ku doodayay in loo fududeeyo  xukunnada maadaama ay kala culusyihiin  shaqooyinka ay ka dhex hayeen Alshabaab, sidaas darteed ayay garsoorayaasha go’aan ku gaareen in eedeysnayaasha ay yihiin dambiilayaal galay dambiga  lagu  soo oogay, waxa ayna ku kala xukuntay Maxkamadda.

1-Maxame Cabdullaahi Maxamed Cadow 15 (Shan iyo Toban ) sano oo Xabsi Ciidan ah

2-Waris Maxamed Cumar 6 (Lix) sano oo xabsi Ciidan ah.

Xasan Cali Max’uud iyo Aadan Muuse Cadaawe min 1 (hal) sano oo xabsi ciidan ah.

Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -