Dayuurado dagaal oo duqeymo culus ka geystay degaano ka tirsan Koonfurta Somalia

Ciidamada Kenya ayaa duqeyn loo adeegsaday dayuuradaha dagaalka ku qaaday degaano ka tirsan Jubooyinka.

Saraakiisha ciidanka Jubballand ayaa sheegay in duqeyntan oo ka dhacday degaanada Weel-Maaro iyo Suubow ee gobolka Jubbada hoose  lagu beegsaday fariisin Al Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Duqeynta diyaaradaha dagaalka Kenya oo qeyb ka ah AMISOM ayaa fuliyay, kadibna waxaa xigay weerar ciidamda Jubbaland oo garab ka helaya ciidamada Kenya ay ku qaadeen saldhigyo kale oo Jubbada Hoose ku yaala.

Mahad Maxamed Islaam, oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Jubbaland, ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid Wadajir ah, uu yahay mid lagu xaqiijinayo ammaanka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa uu sheegay oo kale in weerarka oo dhulka iyo cirka uu ahaa ujeedada ay aheyd in lagu burburiyo gobaha Al Shabaab ay ka soo weerari jireen degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ayaa sheegay inay heleen warbixino la xiriira sirdoonka oo xaqiijinaya in Al Shabaab ay wadeen is abaabulka deegaano ku xeeran degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -